Nabadoono caan ah oo ku dhintay weerarkii Masagawaa

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerar ku billowday qaraxyo oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Ugu yaraan illaa 10 qof oo isugu jiro askar iyo nabadoono ayaa ku dhintay weerarkan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Nabadoonada ayaa la sheegay inay ku dhinteen mid kamid ah qaraxyo ay Al-Shabaab ka fuliyeen deegaankaas, waxayna xilligaas  ku sugnaayeen guri ay ka daganaayeen halkaasi.

Sidoo kale waxaa jira burbur soo gaaray deegaanka la weeraray,.madaama qaraxyo iyo dagaal saacado qaatay ay ka dhaceen halkaasi

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana haatan Masagawaay gaaray ciidamo uu hoggaaminayo Khaliif Cumar Macalin Nuur oo kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta.

Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howlgallo culus, ayada oo la filayo in dhowaad uu billowdo wajiga labaad ee dagaalka ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya.