Wararkii ugu dambeeyay dagaalka SUDAN iyo xaaladda oo kasii dareysa

Khartoum (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dhawaaqa rasaasta wali la maqlayo, inkasta oo ciidamada Miltarigu ay sheegeen inay aqbaleen xabbad-joojin saddex maalmood ah.

Ciidamada RSF ee Sudan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Xamdaan ayaa shalay sheegay inay oggolaadeen xabbad-joojin 72 saacadood ah, taasi oo la xiriirta howlaha bini’aadinimo ciidda Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.

“Xabbad-joojintu waxay ku soo beegantay Ciidda barakaysan ee Ciidul-Fidriga. In la furo waddooyin si loo daad-gureeyo muwaadiniinta, lana siiyo fursad ay ku salaamaan qoysaskooda,” ayay RSF ku tiri hadal ay shalay soo saartay.

Magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa waxaa gelinkii hore ee Jimcihii shalay ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan.

Kuma uusan xusin xabbad-joojin hadal horay loo duubay oo lasoo dhigay barta Facebook-ga ee ciidanka.

Dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidamada Sudan ayaa qarxay Sabtidii toddobaadkii hore, taasi oo meesha ka saartay qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa doraad codsaday xabbad-joojin si loogu ogolaado dadka rayidka ah inay gaaraan goobaha amniga ah.

Dagaalka Sudan oo ah loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeyay laba hoggaamiye oo hore isbahaysi u ahaa xukuumaddii militariga ee talada dalka haysay ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 350 qof.

Labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi ayaa waxaa kala hoggaaminaya taliyihii ciidanka Burhaan iyo hoggaamiyaha RSF Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo, oo iyagu isku haya awoodda u sareysa dalkaasi.