Madaxweyne Xasan oo cafis u fidiyay 127 maxbuus oo u xirnaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis madaxweyne u fidiyay 127 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasi oo maanta lasii daayay.

Maxaabiistan uu madaxweynaha cafiska u fidiyay ayaa ku kala xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiga MBC ee KM7 (ex-Control Afgooye), sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

“127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ayaa saaka lasii daayay markii uu cafis u fidiyay Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud munaasabadda Ciidda awgeed,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Cafiska madaxweyne ee lagu sii daayay maxaabiistan ayaa ku timid soo jeedin uu sameeyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Maxaabiistan ayaa la sheegay inay ahaayeen maxaabiis ku xukuman dambiyada fudud, uuna sidaas xafiiska Xeer Ilaaliyaha uu madaxweynaha ugu jeediyay in cafis u fidiyo oo laga sii daayo xabsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiga MBC ee KM7.

Madaxdweynaha Soomaaliya ayaa sanad walba cafis madaxweyne u fidiya maxaabiista ku xiran xabsiyada ku yaal caasimadda, kuwaasi oo loo soo xiray dambiyo fudud, iyada oo cafiskaan ku soo aadaya munaasabadda Ciidul-Fidriga.