Sawirro: Soomaaliya iyo Serbia oo wada-hadal muhiim ah ku yeeshay Belgrade

Belgrade (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiga dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta kulan wax ku ool ah la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane. Aleksandar Šapić.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Duqa Magaaladda Belgrade ayaa waxaa ay wada-hadleen sedax arrimood oo kala ah;

  1. Dib u mataaneynta labadda caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade.
  2. In khubaro injineero ah ay daraasad rasmi ah kuu sameeyaan habka biyo-mareenka ee Caasimadda Muqdisho.
  3. Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gar-gaarka deg-deg ah, iyo gaadiidka waxbarashadda iyo weli maareynta saxmada magaalada, sida wakhiga ay socon karaan gaadiidka xamuulka iyo isticmaalka goobaha gaadiidka la dhigo.

Duqa Magaaladda Belgrade, Aleksandar Šapić ayaa dhankiisa sheegay in xiriirka labadda caasimadood uu ahaan jiray mid aad xoog badan, “Keydka xusuus dhowrka Belgrade waxaan ku arki kartaa sida ay u wada-shaqeyn jireen madaxda Muqdisho iyo Belgrade,” ayuu yiri Aleksandar Šapić, waxaana ka mid ahaa buu yiri Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faasax.

Sidoo kale, Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa Duqa Magaaladda Belgrade u gudbiyay dhambaal rasmi ah oo ka yimid Duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimaacle (Madaale) oo ku sabaabsan dib usoo celinta xiriirkii soo jireenka ahaa labadda caasimadood ee qadiimid ah.

Labdda Dowladood ee Soomaaliya iyo Serbia ayaa si wagaasan iskula jaan-qaadaya tan iyo dib u furidda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee magaaladda Belgrade.

Xiriirka labadda dal ayaa ah mid ku dhisan wax-wada qabsi, is-ixtiraam iyo iskaasho danaha labadda dal.