DF oo war kasoo saartay khasaaraha weerarkii Masagawaa

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar qaraxyo ku billowday oo saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadii halkaasi ku sugna oo iskugu jiray kuwa dowaldda iyo dadka deegaanka ay fashiliyeen weerarka ay ku qaaday Al-Shabaab.

“Khawaarijta oo aanan awoodin inay dagaal toos ah kala hor yimaadaan geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa Qaraxyo waxay ku soo xireen kuwa ay qaldeen, laakiin naftood hurayaasha Ciidanka Qaranka ayaa hor istaagay damaca Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Sidoo kale, Jeneraal Tareedisho oo ku sugan goobta dagaalka ka dhacay oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa isaguna waxa uu sheegay in 18 ka tirsan dagaal-yahaanadii soo weeraray ee kooxda ay ku dileen dagaalkii saaka kadib weerarkii qaraxyada ay kusoo qaadeen.

Waxa uu intaas kusii daray in xaaladda magaalada ay hadda tahay mid degan, ayna ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay wali sii baacsanayaan firxadka Shabaab-kii saaka soo weeraray Masagawaa.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab oo dhankeeda war kasoo saartay weerarkan iyo dagaalka tooska ah ee xigay, ayaa sheegatay in dagaal-yahaanadeeda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka iyo saldhigyadii ciidanka dowladda, sida ay sheegtay.

Si kastaba, Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta.

Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howl-gallo culus, iyada oo la filayo in dhawaan uu si rasmi ah u billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.