Nabad-sugida oo jeelka dhigay siyaasi mucaarad ku ahaa Dowladda SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Somalia ayaa waxa ay goor dhow maanta jeelka dhigeen Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux “Cali Timijilic”.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in Siyaasiga lagala baxay Hooygiisa oo la Tilmaamay inuu ku yaallo Degmada Xamar weyne gaar ahaan Barxada Iskaashatooyinka, iyadoona loo dhaadhiciyay dhanka Xabsiga Jilacow.

Dadka qaar ayaa is weydiinaya Ujeedka ay Ciidamada Ammaanka, gaar ahaan kuwa Nabadsugida ay u Xireen Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Jamhuuriga iyadoona ay warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Cali Timijilic loo xiray Warbixin uu siiyay mid kamid ah Idaacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Siyaasiga maanta la xiray, ayaa la Tilmaamayaa in xarigaasi uu ku muteystay kadib markii uu maalmo ka hor Warbaahinta uga warbixiyay in Xariga loo geeystay Siyaasi C/llaahi Sheikh Xasan oo Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqaraadiyada uu yahay mid fool-xumo badan islamarkaana aan waafaqsaneyn sharciga.

Dhanka kale, Xariga Siyaasiga ayaa waxaa amray Taliyaha Hay’adda Nabadsugida ee Gobolka Banaadir Koofi, waxa uuna xariga Cali Timijilic, noqonayaa xarigii labaad oo loo geysto muddo Afar bilood gudaheeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com