Muqdisho (Caasimada online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu qabtay doorashada xubnaha aqalka sare u matalaya Somaliland.
Doorashadaasi oo xiiso gaar ah la heyd ayaa waxaa ugu xiiso badnaa kursiga koowaad oo ay ku tartamayeen dad siyaasada Soomaaliya muddo kusoo dhex jiray.
Waxaana ugu dambeyn kusoo baxay kursiga beelaha kasoo jeeda gobolka Awdal Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo muddo kusoo dhex jiray xukuumadihii ugu dambeeyay.
Ayuub Ismaaciil ayaa helay 39 cod, waxaana uu ka sara maray musharixiintii kale ee la tartameysay.
Sidoo kale waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada labo kursi oo matalaya gobolada Somaliland.
Labo kursi oo kale ayaa ka dhiman xubnaha Somaliland u matali doono aqalka sare, waxaana ka taagan kuraastaasi Murun xoogan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

