28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Yey dan ugu jirtaa in deg deg loo qabto doorashada madaxweynaha?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jira shaki weyn oo laga qabaa in dib u dhac uu ku yimaado doorashada madaxweynaha Soomaaliya, balse in si deg deg ah loo qabtaa waxaa jira dad ay faa’iido gaar ah ugu jirto.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay dan ugu jirtaa xubnaha beesha caalamka oo doonaya in ka hor dhamaadka bishan Janaayo la qabtaa.

Sababta wakiilka Qaramada midoobay iyo xubnaha beesha caalamka u doonayaan in si deg deg ah loo qabtaa doorashada ayaa ah inay doonayaan in shirka golaha amaanka ee dhacaya dhamaadka bishan Janaayo la hortagaan guulaha ay ka gaareen isbadalka siyaasada Soomaaliya.

Laakiin arintaan waxaa diidan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo doonaya in si deg deg ah doorashada aan loo qaban.

Sababtoo ah waxay doonayaan in lasoo dhameystiraa dhamaan xubnaha ka dhiman xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee labada aqal.

Musharixiinta ayaa waxay ku dhagan yihiin qodobada ay ka mid tahay inaan doorasho la qaban iyadoo aan la dhameystirin xubnaha ka dhiman baarlamaanka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ku doodayaan musharixiinta in haddii doorashada la qabtaa iyadoo xildhibaanada dhiman yihiin inay dan ugu jirto Xasan Sheikh Maxamuud.

Kulan shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo arimahaan looga hadlayay ayaa lagu kala tagay iyadoo wax natiijo ah aan laga soos aarin.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaanan ka hadlin arintan, sababtoo ah waxaa la sheegay inuusan kala jecleyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

 

- Advertisement -

Read more

Local News