DF oo shaacisay natiijada imtixaanka dugsiyada sare + tobanka arday ee u sarreysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqday natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka ee sanad dugsiyeedka 2021 illaa 2022-ka.

Imtixaankan oo ahaa mid qaran ayaa waxaa u fariisatay illaa 33,468 oo arday, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, waxaana munaasabadda ku dhowaaqista goobjoog ahaa wasiirka cusub ee wasaaraddaas Faarax Sheekh C/qaadir.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada  ayaa warbixinteeda ku shaacisay inay jiraan illaa 1,001 Arday oo aan u fariisan imtixaanaadka, ama aan gelin.

Natiijada ayaa sidoo kale lagu sheegay in ardayda baastay ay gaarayaan illaa 32,325 arday oo u dhiganta 97%, tiradaas oo aad uga badan markii la barbar-dhigo tii sanadkii hore.

Waxay sidoo kale wasaaraddu natiijada ay shaacisay ku sheegtay inay imtixaankaan ay ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%, waana tiro iyana aad uga hooseysa ardayda sanadkii la soo dhaafay ku dhacday imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad.

Kun ka mid ah ardayda dhacday ayaa imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen maamul goboleedyada dalka.

Halkan hoose ka aqriso magacyada 10-ka arday ee ugu sarreysa natiijada la shaaciyey imtixaanka dugsiga sare.

1– Khaalid Cabdullaahi Maxamuud Nuur – Gobolka Banaadir
2– Xuseen Axmed Xasan – Gobolka Banaadir
3-Faadumo Ibraahim Cabdullaahi – Gobolka Banaadir
4– Shukri Faarax Ibraahim – HirShabelle
5- Huda Cabdullaahi Cabdi – Gobolka Banaadir
6– Cabdirisaaq Maxamed Cumar – Koonfur Galbeed
7- Naciimo Axmed Maxamed – Gobolka Banaadir
8– Maxamed Cabdiweli Maxamed – Jubbaland
9-Axmed Cabdiraxmaan Axmed – Galmudug
10– Maxamuud Xasan Cali – Gobolka Banaadir