G/Banaadir oo shaaca ka qaaday natiijada Imtixaanka shahaadiga + 10-ka u sareeya

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2021-2022, kaasi oo sanadkii saddexaad uu qaaday maamulka gobalka Banaadir.

Munaasibad lagu shaaciyay natiijada imtixaanka ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay imtixaanka u fariisteen 26,860 Ardey oo kala socotay 590 iskuul oo kamid ah dugsiyada gobolka, kuwaasi oo imtixaanka ku kala galay 69 xarun.

Sida uu shaaciyay Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir waxa imtixaanka sanadkaan gudbay 24,443 Arday oo ka dhigan 91%, halka tirada hartay ay gaareen 2,417 oo ka dhigan 9%.

Tirada wiilasha ee imtixaanka gashay ayaa dhan 15,119 oo Ardey, waxaa gudubtay 13,683 oo ka dhigan 51% tirada guud, waxaana haray 1,436 Arday oo ka dhigan 5%.

Sidoo kale tirada gabdhaha ee imtixaanka gashay ayaa ah 11,741 Ardey, waxaa ka gudubtay 10,760 oo ka dhigan 40% tirada guud, halka tirada hartay ee gabdhaha ay gaareyo illaa 981 Ardey oo ka dhigan 4% tirada guud.

Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir ayaa si gaar ah u shaaciyay magacyada Ardeyda gashay 10-ka kaalmood ee u horeeya, kuwaasi oo kala ah;

1. Maxamed Cabdullaahi Cabdi Cismaan
2. Xasan Cabdi Sheekhdoon Cismaan
3. Maxamed Ciise Daahir Yuusuf
4. Faadumo Cusmaan Axmed Warsame
5. Cabdicasiis Maxamed Ibraahim Cali
5. Cumar Cabdiqaadir Ismaaciil Cabdi
6. Cabdiraxmaan Cali Yuusuf Geesey
7. Cabdullaahi Cali Axmed Sahal
7. Ruweyda Maxamuud Aadan Maxamed
7. Sundus Cusmaan Cabdi Xasan
8. Huda Saalax Sheekh Ibraahim
8. Maxamed Aweys Cabdulqaadir Aadam
9. Cabdullaahi Cabdirisaaq Maxamed Jaamac
10. Cabdicasiis Mahad Axmed Siyaad