Agaasime Mahad Salaad oo kordhiyey mushaarka NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda NISA, Mahad Salaad ayaa qaaday tallaabo uu sare ugu qaadayo mushaaraadka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha hay’adda.

Kordhinta mushaarka ee uu sameeyay Agaasime Mahad Salaad ayaa waxay imaneysa kadib markii la jaray lacago shaqsiyaad gaar ah lagu naas-nuujin jiray iyo kuwo loo bixin jiray (Spesa Politica) kharashaad siyaasadeed oo maamulkii hore ee hay’adda ku maareyn jiray howlaha siyaasadda.

Agaasimaha ayaa tan iyo markii uu la wareegay hogaanka NISA waxa uu ku sameeyay isbedelo dhowr ah oo muhiim u ahaa hay’adda, oo sanadihii dambe si weyn ugu dhex milantay arrimaha siyaasadda.

Caasimada Online ayaa heshay shaxda mushaar kordhinta iyo inta ugu korortay derajo kasta, waxayna u dhigan tahay sidan:

1. Darajada Gaashaanle waxa uu hore mushaar ahaan u qaadan jiray $400, haddana waxa looga dhigay $500.

2. Jaamici waxay hore u qaadan jireen $300, haddana waxa looga dhigay $350.

3. Shaqaalaha wata shahaado Dugsi Sare, waxay mushaar ahaan u qaadan jireen $200, haddana waxaa looga dhigay $300.

4. Mudane ama shaqaalaha kale ee aan haysan shahaado, mushaarkoodii hore wuxu ahaa $150, haddana $200.

5. Darajada Dable, ayaa sidoo kale mushaar ahaan u qaadan jiray $150, haddana waxa looga dhigay $200.

Sidoo kale waxa uu Agaasimaha go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hay’adda ee geeriyooday ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.