Mustafe Cagjar oo fasiraad ka bixiyay qorshaha xad-gudubka ku ah Soomaaliya ee ay ku dhowaaqeen

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa fasiraad ka bixiyay qorshe uu hore u sheegay in maamulkiisa uu damacsan yahay, kaasi oo ahaa inay sameynayaan aag ka caagan argagixisada oo ka baxsan deegaanka ismaamulka Soomaalida.

Hadalkii hore ee Cagjar ayaa marka indho kale lagu fiiriyo ahaa in maamulkiisa uu xad-gudub dhuleed ka sameynayo gudaha Soomaaliya, hase yeeshe waxa uu maanta markale madaxweynuhu sheegay in qorshahaas aysan uga dan laheyn xad-gudub, balse kaliya ay uga gaashamanayaan falalka cadowga iyo inay gudaha usoo galaan deegaanadooda.

“Soomaalinimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan oo ay ugu horeeyaan kuwa Jamhuuriyada cid naga jeceli majirto. Dhiigayga iyo lafahayaga haddii la shiido waxaa laga helayaa Soomalinimo,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Ma jirto dhul iyo xuduud aan cid ku haysanaa laakiin haddii ay (Al-Shabaab) weerarka soo qaadayaan iyada oo la arkayo cid wax ka qabanaysaa ayna jirin, waa in aan ka hortagno.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in in sababta ku kalifeysa inay aagaas sameeyaan ay tahay inay ka feejignaadaan dhagar dambe oo Al-Shabaab ay u soo maleegaan dowlad deegaanka.

Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar qorsheysan ku qaaday deegaanada xuduuda dowlad deegaanka Soomaalida, ayada oo markii dambe uu maamulka deegaanka uu sheegay inay burburiyeen xubnihii kasoo gudbay xuduudooda.