Natiijada ka soo baxday kulankii Garoowe ee Saciid Deni iyo Beesha Caalamka

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay wefdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, oo ay ka midyihiin xubno ka socda Midawga Yurub, Midawga Africa iyo urur goboleedka IGAD.

Kulanka intii uu socdey ayaa waxaa looga hadlay Doorashada Soomaaliya 2021, Amniga, Dayn Cafinta Soomaaliya iyo Dhammaystirka Dastuurka KMG ah ee DFS. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka. Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn tilmaamay in ay ka wadahadleen dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaaro dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha dalka.

“Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqday wefdi uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, Midawga Yurub, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, waxan ka wadahadalnay dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaaro dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha, wuxuu ahaa kulan aad u wanaagsan oo aan aragtiyo aad u badan aan isku weydaarsanay, sidii loo dardargelinlahaa horumarna looga gaadhi lahaa arrimaha hortaagan in Dowladda Soomaaliya hore u dhaqaaqdo”.

“Waxaan kaloo ka wadahadalnay sidii loo dardargelinlahaa xiriirka wadashaqayneed ee ka Dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo ay dhici doonaan kulamo intan kasii ballaaran oo looga hadli doono doorashooyinka Soomaaliya ee 2021, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha ku saabsan dayn cafinta oo iyaguna meel aad u wanaagsan maraya iyo arrimaha amniga sidii horumar looga gaadhilahaa.

Dhammaan qodobadii aan ka wadahadalnay waxay ku dheceen jawi wanaagsan. Waxaan halkan ka cadaynayaa in Puntland diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda looga hadlaayo iyo siyaasaddeedana horumarinaaya”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan ayaa dhankiisa sheegay in kulanka muhiim ka ah ee ay wadaqaateen wefdiga uu hogaaminayey iyo Madaxda Puntland uu kusoo dhammaaday jewi wanaagsan, isla markaana ay ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo u baahan wax ka qabasho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya 2021, dhammaystirka Dastuurka KMG-ga ah ee dalka, arrimaha amniga, la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, maamul wanaagga, doorka siyaasadeed ee haweenka, sare u qaadidda dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana uu intaasi ku daray inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan ururada bulshada rayidka ah, dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo siyaasiyiinta.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.