Natiijada laga filayo shirka madasha ee hanaanka doorashad 2016-ka oo la shaaciyay (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka waxaa la soo bandhigay Madasha Watashiga Qaran oo ka koobnaan doonta Laamaha fulinta, Sharci dajinta ee dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada Rayidka ah, arintii ay xallin waayaan waxaa laoo gudbinayaa Madasha Hogaanka qaran oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul Wasaaraha si looga yeesho dood dheeraad ah.

Guddi Hawleedka(Task Force): si loo taageero howsha Wadatashifa Qaran, waxaa la sameynayaa Guddi Howleed(Task Force) ku saleysan mabda’a ah inuu ka tarjumo kana howlago fulinta go’aanada loo dhan yahay ee madasha Wadatashiga qaran.

Guddi Tageero Farsamo(technical Support Team): oo ay gawadeen ka yihiin Wasaaradda arimaha gudaha iyo Arimaha Federaalka waxay Mas’uuliyad ka saran tahay labo arin:

Teegeerada Madasha Wadatshiga Qaran iyo Guddi Howleedka, wuxuuna xaqiijinayaa arimaha farsamo ee la xiriira Madashada Wadatashiga qaran

Waxaa kale oo la soo saaray in ay jiri doonaan Ergo doorsho, Murashaxiin iyo Nidaam doorasho?

Ergada Doorashada:

Shirkan oo maanta ka furmay Xalane, Muqdisho ayaa waxaa inta badan lagu raadinayey Jawaabaha Yaa Xulaya ergada ama Wakiilo Doorasho ama yaa Xulaya eragada doorshada, side loo xaqiijinayaa xulista Baarlamaan si dheelitiran u matala deegaan, side geedi u soconda hanaanka 4.5 u noqon karaa marjica awood qeybi? Side dowlad goboleedka looga qeyb galin karaa hanaanka, Maxuuse noqon karaa kaalinta Odey dhaqameedka.

Murashaixiinta:

Dhanka Murashaxiinta waxaa laga hadlayaa, Yaa magacaabaya Murashaxiinta? Waa maxay shuruuda laga doonayo Murashaxa xilka Xildhibaanimo, Yaa xaqiijinaya in murashaxiinta ay buuxiyeen shuruuradaha? Side lagu xaqiijin karaa saamiga loo qoondeeyay haweenka? Side lagu heli karaan hanaan lagu xalliyo cabashooyinka?

Nidaamka Doorashada:

Nidaamka doorashada oo laga hadlayo, Muxuu noqon doonaa habka la isku metello? Muxuu noqon doonaa hanaanka doorashada ay raaci doonaan ergada doorashada? Mise hadba ciddii codka ugu badan hesha ayey guusha raaceysaa?

Afarta Qaab ee lag rabo in mid laga doorto:

Ergo doorsho oo ka kooban dalka oo dhan: Nidaamkan waxaa uu ku fulli karaa in la dhiso Xisbyo Siyaasadeed, Xibsi kasta oo Baarlamaanka ku yeesho tiro Xildhibaan oo u dhiganta cododka uu doorashada ka helo.

Ergo doorsho oo heer dowlad Goboleed ah, Dowlad goboleedyada jira ama kuwa sameymaya waxaa laga yagleelayaa Wakiilo doorasho oo dooran doona Xildhibaanada Baarlamaanka oo Metelaya dowlad goboleedyada.

Ergo doorsho heer degmo: degmo walba oo ka mid ah 92 degmo ee jiray sanadkii 1991 ayaa sameysanaya Ergo doorasho.

Ergo doorsho oo beel ku saleysan: sidii lagu soo xulay 2012kii oo 135 odey dhaqameed ay soo xuleen Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com