Natiijada wada-hadallada ABIY iyo OLA ee ka socday Zanzibar

Zanzibar (Caasimada Online) – Wejigii koowaad ee wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeyay dawladda Itoobiya iyo kooxda hubeysan ee kasoo jeedda gobolka Oromada ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, sida ay sheegeen labada dhinac.

Kooxda kacdoonka ka wadda gobolka Oromiya oo ay degan yihiin qoowmiyada ugu tirada badan Itoobiya ee Oromada ee OLA ayaa muddo tobannaan sano ah la dagaalamaysay dowladda Federaalka oo ay ku eedeeyeen takoor iyo dayacaad.

“In kasta oo wada-hadalladu ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah, haddana suurtagal ma ahayn in heshiis laga gaaro arrimaha qaar intii lagu jiray wareeggii wadahadallada,” ayay dowladdu ku tiri hadal ay soo saartay, iyada oo intaas ku dartay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in la sii wado wada-hadallada.

Wada-hadalladan oo ay dhexdhexaadinayaan urur goboleedka IGAD ayaa toddobaadkii hore ka billowday jaziiradda Zanzibar ee Tanzania.

Rabshadaha ka socda Oromiya oo ku hareeraysan caasimadda Addis Ababa ayaa madax-xanuun weyn oo dhanka ammaanka ah ku haya Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kadib dagaal sokeeye oo laba sano socday oo ka dhacay gobolka waqooyiga ee Tigray, kaasi oo dhammaaday markii labada dhinac ay gaareen heshiis nabadeed bishii November ee sannadkii hore.

Ururka Oromada oo ah ee OLA oo urur la mamnuucay oo hore uga tirsanaa Jabhadda Xoraynta Oromada ee OLF ayaa dhankooda bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyey inay doonayaan inay sii wadaan wada-hadallada.

Waxay sheegeen in aan wax heshiis ah laga gaariin wejigii koowaad ee wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeyay dawladda Itoobiya iyo kooxda, gaar ahaan “arrimaha muhiimka ah”.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya, iyada oo ay jirto colaad ay boqolaal qof ku dhinteen, tobanaan kun oo kalena ay ku barakaceen.