Xog: DENI oo qorshaynaya ‘inuu xilka ka qaado’ taliyeyaasha ciidanka mid kamid ah

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheyanaya inuu beddelo dhawaan oo xilka ka qaado taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland General Abshir Cabdi Jaamaca, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa lagu wadaa in uu taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta u magacaabo General Muumin Cabdi Shire oo hadda ah taliyaha Booliska maamulkaasi.

Xogaha aan ka helayno isbeddelka cusub ee uu sameynayo madaxweyne Saciid Deni ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in taliyaha cusub ee Booliska loo magacaabo Gaashaanle Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) kadib markii loo dallacsiiyo Sarreeye-Guuto.

Shaati ayaa hadda ah taliyaha ciidanka Madaxtooyada maamulka Puntland, waxaana xilkaas loo magacaabay horraanta sanadkii hore ee 2022-ka, wuxuuna hadda kamid yahay saraakiisha ku dhow madaxweynaha Puntland.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu maanta madaxweyne Deni uu kormeer ku tegay Taliska Ciidanka Daraawiishta Dowlad-goboleedka Puntland ee 54-aad, oo qeybo kamid ah dib-u-dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyay.

Xaruntan oo Puntland u ah mid taariikhi ah, maadaama ay tahay halkii lagu qabtay shirkii lagu aas-aasay dowlad-goboleedka Puntland ayaa waxa uu madaxweyne Deni oo hore kormeer ugu yimi amray in dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyo, lana qalabeeyo dhammaan xafiisyada .

Deni ayaa maanta mid mid u dul istaagay qeybaha kala duwan xarunta, habka loo dhisay iyo sida loo qalabeeyay xafiisyada kala duwan, isaga oo warbixin ka dhegaystay saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ee xarunta.

Si kastaba, isbeddelkan uu sameynayo madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli uu Saciid Deni uu wajahayo culeys siyaasadeed oo gudaha ah, iyada oo muddo kooban ka harsan tahay muddo xileedkiisa.