Daad mar kale ku dhuftay Qardho iyo wararkii ugu dambeeyay

Qardho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa sheegaya in xalay mar kale ay daadad xoogan ku rogmadeen gudaha magaaladaasi, kuwaas oo ka dhashay roobab xoogan oo ka da’ay galbeedka magaaladaasi.

Daadadka oo ku rogmaday bartamaha magaalada, ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay saameyn ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, dadweynaha iyo gaadiidka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in fatahaadda aysan geysan khasaare nafeed, balse waxaa jiro burbur xoogan oo soo gaaray goobo ganacsi, guryo iyo waddooyinka qaar.

Xaaladda ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana magaalada dhex ceegaaga biyo sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka oo haatan dalbanaya gurmad deg-deg ah.

Dhanka kale war qoraal ah oo kasoo baxay, maamulka degmada Qardho ayaa looga hadlay roobabka daadadka wata ee mar kale ku dhuftay magaaladaasi, wuxuuna maamulka farriin u diray dadka shacabka ah, isaga oo ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Maamulka ayaa shacabka ku wargeliyay inay ka fogaadaan goobaha ay biyaha maraan, si aysan uga soo gaareen waxyeelo halis karta naftooda.

”Waxaan Bulshada Qardhood ku wargelinaynaa in roobabka hada ka de’aaya galbeedka magaalada Qardho la filaayo in ay daadad ku soo celiyaan magaalada.sidaas daraadeed waxaan Bulshada Qardhood u sheegaynaa in ay ka digtoonaadaan kana baxaan meelaha biyuhu maraan. Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka degmada Qardho.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca madaxda sare ee dowlad goboleedka Puntland ee ku aadan xaaladda adag ee ka taagan degmada Qardho oo hoostagta maamulkaasi.

Si kastaba, waa markii labaad oo ay daadad xoogan ku dhufanayaan magaalada Qardho oo sanadkii hore dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan, waxaana haatan mar kale laga digayaaa in fatahaad kale ay ku dhufato magaaladaasi.