RUUSHKA oo Ukraine ku eedeeyay isku day lagu dili rabay Putin

Moscow (Caasimada Online) – Russia ayaa ku eedeysay Ukraine inay weerar diyaarado drone ah ku beegsatay madaxtooyada Kremlin-ka — eedeyntaas oo Kyiv ay beenisay.

Muuqaallo aan la xaqiijin oo la wareejinayo baraha bulshada ayaa muujiey qarax ka dhacay dusha sare ee Aqalka Kremlin-ka, oo ah hoyga maamulka madaxweynaha Ruushka.

Moscow ayaa ku eedeysay Kyiv inay isku dayday inay Putin ku khaarajiso “ficil argagixiso oo la qorsheeyey iyo isku day lagu qaadi lahaa nolosha Madaxweynaha Federaalka Ruushka.”

Hase yeeshee madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa beeniyey in dalkiisa uu mas’uul ka ahaa isaga oo yiri “waxaan u dagaalameynaa dhulkeena, waxaan difaaceynaa xaafadaheena iyo magaalooyinkeena.”

Afhayeenka madaxweynaha Ukraine Mikhaylo Podolyak ayaa soo jeediyey in Moscow ay mas’uul ka tahay.

“Warbixinadan ay abaabuleen Ruushka waa in loo tixgeliyaa isku day lagu diyaarinayo weerar argagixiso oo lagu qaado Ukraine,” ayuu yiri Podolyak.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale shaki geliyey sax ahaanshaha sheegashada Ruushka, isaga oo yiri “Waxa kasta oo ka yimaada Kremlin-ka waxaan ka qaadan lahaa shaki badan.”

Khabiir ku takhasusay Yurubta Bari, Sergej Sumlenny ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ruushka uu ka dambeeyey weerarka.

Waxa uu sabab uga dhigay arrimo ay ka mid yihiin Kremlin-ka oo xaqiijin deg deg ah ka bixiyey dhacdada, iyo muuqaallada oo ay duubeen kaamirooyinka dowladda.

Inkasta oo aysan caddeyn cidda ka dambeysay weerarka, Ukraine waa ay leedahay xeelad ay weerar gantaallo uga fuliso Ruushka, sidaasna horey waa ay u sameysay.

“Waxaa macquul ah in lagu fuliyey diyaaradda Drone-ka Ukraine ee UJ-22, ama tan Shiinaha uu sameeyey ee Mugin-5, oo horey ay u adeegsatay Ukraine, ama PD-1,” waxaa sidaas yiri Samuel Bendett oo ah cilmi-baare khabiir ku ah qalabka milatari, kana tirsan Barnaamijka Daraasaadka Ruushka ee CNA.

UJ-22 waxay awood ahaan gaari kartaa Moscow, hase yeeshee ma cadda halka diyaaradda drone-ka ah iminka laga soo diray, ayuu sheegay Bendett.

Weerarka ma gaysan khasaare badan, hase yeeshee Bendett wuxuu sheegay in weerar uu cadow la beegsado xuddunta dowladda Ruushka uu yeelanayo “waxyeello maskax oo xooggan.”

Waxa uu sidoo kale dhallinayaan su’aalo ku saabsan tayada difaaca hawada Ruushka.

VOA + AFP