NETANYAHU oo raali-gelin lama filaan ah siiyey Qatar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa Isniintii sheegay in Raโ€™iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, uu Qatar ka raalligeliyey duqeyn uu ka geystay dhulkeeda, taasoo timid xilli uu kulan la lahaa Madaxweyne Donald Trump.

Ciidanka Israel ayaa horraantii bishan duqeyn cirka ah ku beegsaday hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa Qatar, weerarkaas oo sidoo kale lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ammaanka ee Qatar.

Trump ayaa iska fogeeyay goโ€™aanka Netanyahu ee ahaa in la weeraro dal xulafo muhiim ah la ah Mareykanka ee Bariga Dhexe, isagoo xilligaas ku qoray bartiisa Truth Social in falkani “uusan marnaba u adeegayn danaha Israel iyo kuwa Mareykanka.”

Dalka Qatar ayaa martigeliyey wadahadallo muhiim ah oo looga gol lahaa in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmara Israel iyo Xamaas. Waxaa sidoo kale dalkaas saldhig ku leh ciidan Mareykan ah oo tiradoodu gaarayso illaa 10,000 oo askari.

Sida ku xusan war-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad, intii uu socday wada-hadal saddex-geesood ah oo dhanka taleefoonka ah oo uu la yeeshay Raโ€™iisul Wasaare Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayuu Netanyahu “si weyn uga xumaaday in weerarkii gantaalaha ahaa ee Israel ay ku beegsatay bartilmaameedyo Xamaas ka tirsan oo ku yaalla Qatar uu si aan ulakac ahayn ugu dhintay sarkaal u dhashay dalkaas.”

“Wuxuu sidoo kale ka xumaaday in Israel, iyadoo beegsanaysa hoggaanka Xamaas xilli ay socdeen wada-xaajoodyada lahaystayaasha, ay ku xadgudubtay madax-bannaanida dhuleed ee Qatar, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Israel aysan mustaqbalka fulin doonin weerar noocan oo kale ah.”

Al Thani ayaa soo dhoweeyay dammaanad-qaadkaas, sida lagu sheegay warbixinta, halka Trump uu “muujiyay rabitaankiisa ah in xiriirka Israel iyo Qatar la saaro waddo togan kaddib sannado ay jireen cabashooyin iyo is-faham darro labada dhinac ah.”

“Waxay si dhab ah u yeesheen wada-hadal qalbi furan,” ayuu yiri Trump oo shir jaraa’id qabtay kaddib kulankii uu la yeeshay Netanyahu. “Wuxuu ahaa wada-hadal aad u wanaagsan, waxaana u arkayay inuu ahaa mid midho-dhal ah.”

Wuxuu sheegay in Mareykanka, Israel iyo Qatar ay ku heshiiyeen in la sameeyo hannaan wada-hadal oo rasmi ah oo saddex-geesood ah si “loo xoojiyo ammaanka ay wadaagaan, loo saxo aragtiyaha khaldan, loogana fogaado shaki iyo kalsooni darro mustaqbalka imaan karta.”

Trump ayaa ku ammaanay Amiirka Qatar inuu yahay “qof cajiib ah,” wuxuuna xusay doorkiisa dhexdhexaadinta ee geeddi-socodka nabadda. Wuxuu intaas ku daray inuu rajeynayo in Qatar ay ku biiri karto Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords), oo ah heshiisyo is-daba-joog ah oo lagu caadiyeynayao xiriirka dalalka Bariga Dhexe iyo Israel, kuwaasoo uu Trump ka soo shaqeeyay xilligii maamulkiisii hore.

Tallaabadan ayaa timid xilli uu Trump soo bandhigay qorshe nabadeed oo ka kooban 20 qodob, kaas oo loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Gaza.

- Advertisement -

Read more

Local News