New York: Saudi Arabia oo wajahaysa kiis halis ah oo la xiriira weeraradii 9/11

New York (Caasimada Online) – Dacwad ka dhan ah Sacuudiga oo ku saabsan in ay ku lug lahaayeen weerarkii Al-Qacida ay Mareykanka ku qaaday September 11, 2011,  ayaa hareeyey qorshaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan.

Sacuudiga waxa uu wadaa dib isu qaabeyn, iyaga oo doonaya in ay ka koraan ku tiirsanaanta dhaqaalahooda ku tiirsan shidaalka, sidoo kalena ay bulshadooda u qaabeeyaan dhex dhexaadnimo, halka hoggaakooda kali taliska ah ay ka dhigaan kuwo is beddel doon ah.

Hase yeeshee qorshahaas ayaa wajahaya halis ka imanaysa Mareykanka.

2016kii, golaha Senate-ka Mareykanka ee xilligii madaxweyne Barack Obama waxay soo saareen sharcigii cadaaladda ee ka dhanka ahaa maalgaliyeyaasha argagixisada ee loo bixiyey JASTA, kaas oo ahaa sharci u ogolaanayaa sharci yaqaanada madaniga ah in ay maxkamada Mareykanka dacwado uga furaan dadka ay argagixisadu wax yeeleeyeen, iyaga oo dacwad ku soo oogi kara dalalka madaxa banaan.

Sharcigaas waxa uu albaabada u furay qoysaskii ay dhibaatada ka soo gaartay weerarkii September 11, si ay dawad ugu soo oogaam Sacuudi Careebiya oo ay qabaan in ay door ku lahayd weraradaas.

Marka laga yimaado magaca ka xumaaday Sacuudiga, hadana dacwadda maxkamadda taal waxa ay halis ku tahay danaha dhaqaale ee uu Sucuudiga ku doonayo in 5% ay ku iibiso shirkadda shidaalka ee Saudi Aramaco.

Hase ahaatee, xilli uu Sucuudiga ku doodayo in aysan wax xiriir ah la lahayn maleeshiyaadka Al Qaacida, hadana xaakimka maxkamadda Yew York, George Daniels waxa uu fasaxay in dacwadda ka dhanka ah dowladda Sucuudiga la dhageysto.

Andrew Maloney oo ah qareenka qoysaska dacweynaya Sacuudiga ayaa sheegay inay hadda ururinayaan caddeymo ka dhana ah Sacuudiga iyo dhinacyada kale ee la tuhunsan yahay.

Haddii Sacuudiga ay diidaan inay la shaqeeyaan dacwad-oogayaasha, waxaa lagu eedeyn doonaa inay ka baxsadeen caddaaladda, taasi oo keeni karta in cunaqabateyn la saaro hantida Sacuudiga ee Mareykanka

Madaxda Sacuudiga iyo Maxamed Bin Salman waxa ay aad ugu dhow yihiin oon ay saaxiib la yihiin madaxweyne Donald Trump, hase yeeshee siyaasaddu wax saameyn ah kuma yeelan karto kiiskan dacwadeed, sababtoo ah nidaamka cadaaladda Mareykanka  oo ah mid madax banaan.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com