Magacyada wafti ka tagey Muqdisho oo GAROOWE u tagay wada-hadallo (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar ka mida xildhibaanada Aqalka sare ee loo xilsaaray xalinta khilaafka ka dhex jira maamul goboleedyada iyo dowladda dhaxe ayaa gaaray magaalada Garowe.

Xubnahani xalinta khilaafaadka labada dhinac ayaa waxaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxda Puntland taasi oo qayb ka ah dadaalka dhexdhaxaadinta labada dhinac.

Xubnaha Aqalka sare ee gaaray magaalada Garoowe maanta waxaa kamid ah

Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) “Guddoomiye”
Sen. Maxamuud Axmed Maxamuud (mashruuc)
Sen. Siciido Xasan Cusmaan
Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud
Sen. Cusmaan Axmed Macow
Sen. Mustaf Maxamed Qodax
Sen. Bootaan Barre Samatar
Sen. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere
Sen. Farxaan Cali Xuseen
Sen. Hodan Maxamuud Cusmaan
Sen. Ayuub Ismaaciil Yuusuf
Sen. Shukri Adam Maxamed. 

Sanatar Cabdi Raxmaan Maxamad Maxamuud Faroole oo ka mida xubnaha aqalka sare ayaa BBC u sheegay in masuuliyada aqalka sare ay tahay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada.

Mr Faroole ayaa sheegay in guddiga ka socda aqalka sare ay awood u leeyihiin in ay xalliyaan khilaafka labada dhinac baaxdu doono ha lahaadee.

“Waxaan u babac dhigi karin oo dalka yaalla ma jiro,waxa nooga aadan ee uu dastuurku noo ogol yahay oo danta dalka ay ku jirto dhinac walba ha ahaatee waan u babac dhigi karnaa waana ka adagnahay” ayuu yiri Mr Faroole.

Sanatar Cabdi Raxmaan Maxamad Maxamuud Faroole ayaa sidoo kale xusay in marka ay howshooda u soo dhamaato ay warbixin buuxda u gudbin doonaan aqalka sare si go’aan looga gaaro.

Dhawaan ayay ahayd markii aqalka sare ay u magacaabeen guddiga xallinta khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhaxe ayaa soo ifbaxay ka dib markii ay madaxda maamul goboleedyada oo shirk u yeeshay Kismaayo ay sheegeen in ay xiriirkii u jareen dowladda dhexe.

Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku baaqday in madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ay kulan isugu yimadaan 17 bishan September.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com