Maxay tahay sababta ay SOMALILAND u joojisay shidaalkii dalka Ethiopia?

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen Shidaal uga imaan jiray dalka Itoobiya, kasoo la keeni jiray degaano ka tirsan maamulka Somaliland.

Somaliland waxa ay sheegtay in ay la wareegtay Haamaha Shidaalka, islamarkaana isbedel Ballaaran lagu sameyn doono dhaqaallaha degaanada maamulka Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa amray in aan shiidaal laga soo gelin Karin Magaaladda Baligubadle ee xad la leh dalka Itoobiya, oo Somaliland y shidaalka meelo kale oo dhaqaale ahaan u wanaagsan ayada.

Amarkaan ayaa waxa uu ku sheegay in looga gol leeyahay Maadaama ay Xukuumadda Somaliland la wareegtay Haamihii Shiidaalka, si loogu sameeyo suuq.

Dhinaca kale dadka ku nool Magalada Bali-gubadle ayaa amarkan ka soo baxay Wasiirka Ganacsiga soomaaliland waxa ay ku sheegeen in ay tahay mid lagu cunaqabateynayo, islamarkaana ay ku lug leeyihiin Mas’uuliyiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Magalada Bali-gubadle ayaa waxaa Maalin walba shidaal farabadan uu uga imaan jiray dalka Itoobiya, balse laga mamnuucay, waxana tallaabada ay Soomaaliland qaaday weli ka hadlin dowladda Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com