New York: Soomaali dilay wiilkii xaaskiisa oo la abaal mariyay.

Cali Maxamed Maxamuud oo ah Soomaali dilay wiil ay dhashay xaaskiisa ayaa waxaa lagu abaal mariyay 25 sano oo xabsi ah, magaalada Buffalo ee gobolka New York ee dalka Mareykanka.

Hase yeeshee xitaa ciqaabtaas adag, weli ma jirto sharaxaad dhab ah oo ku saabsan dhimashadii Cabdifitax Maxamuud oo 10 jir ahaa.

Dacwad oogaha Xaafadda Erie, Frank A Sedita III ayaa dilka Ali oo 41 jir ah uu u geystay Cabdifitax ku tilmaamay mid ka mid ah dambiyadii ugu xumaa ee uu arko, 24 sano oo uu ahaa dacwad ooge.

Ali ayaa dilay wiilkii ay dashay xaaskiisa 17-kii April ee sanadkan, markaasi oo uu ku marjiyay fiilo koronto illaa ay nafta ka baxdo.

Dhibka ayaa yimid kadib markii Cafdifatax uu ka cararay adeerkiisa, kadibna adeerka uu ka daba orday oo uu soo qabtay, markaasi oo uu afka uga buuxiyay iskaalshooyin, kadibna ku marjiyay fiilo koronto.

Qareenada difaacaya Cali ayaa ku dooday inuusan ugu tala gelin inuu dilo wiilka ay dhashay xaaskiisa, hase yeeshee uu lumiyay maamulka kadib markii uu carooday.

Taasi kama aysan bad baadin in xeer beegtida ay ku hesho dilka darajada labaad, waxaana Cali uu 25 sano ku qaadan doonaa darbiga gadaashiisa.