ILA TALI AQRISTE: “Labadeena Ifka ayaynu isu jecelnahay, haddana hal mid xal waan u waayay”

Aqrsite, waxaan halkan kuugu soo gudbineynaa dhambaal ka yimid aqriste kale oo idinka doonaya talo, waa barnaamijkeeni cusbaa ee aan ugu magac darnay ILA TALI AQRISTE: Ujeedka ayaa ah qofkii talo raba inuu soo weydiisto aqristayaasha aan u fududeyno, maadamaa uu heli karo fikrado badan oo kal duwan, mark a la isku geeyana noqon kara wax ku ool.

Waxaan idin ka codsaneynaa inaad aqrisaan farriintan, kadibna wixii talo ah oo wanaagsan oo  aad si daacad iyo qalbi furnaan ah ugudarsataan, adinka oo hab qoraalkiina ka ilaalinaya qaladadaaka ama Tape error-ka, si qofka talada ku socoto uu fahamkiisa ugu fududaado. Waxaad taladaada ku qori kartaa qeybta comments-ka.

Fadlan si anshax iyo wanaag leh ula tali walaalkaaga ama walaashaada dhiban. Adigana haddii aad talo doon tahay noogu soo dir arrintaada caasimada@live.comCaasimada Online mar walba inay bulshada caawiso, una sahasho isticmaalka bogga ayay ballan qaadeysa

Talo doonkeena maanta waa wiil jooga Muqdisho, oo magaciisu ku sheegay Maxamed Axmed.

Waxa uuna qoraalkiisa ku  billaabay idan:-

“Waxaan ugu horeyn u mahadnaqayaa Caasimada Online, barnaamijkan cajiibka ah oo ay billowday iyo inta aqrista webka.

Intaa kadib, waxaa dhacday inaan la kulmay gabar aan aniga ugu yeero tan ugu quruxda badan caalamka, mar aynu wada joognay Iskuul.

Waxaa dhacday in isfaham weyn uu ina dhex maray, oo aynu isku qaadnay jaceyl baaxad weyn. Been idin ma sheegayee markaan eego indhaheyga ilmo ayaa kusoo istaagtay, sida aan u jeclahay darteed, iyaduna intaa oo kale ayaan ka arkaa.

Wax aan muddo wada sheekeesanaba aniga iyo gabadhii waxaan wada gaarnay ballan guur iyo inaan reerka ka doonto.

Markaan intan soo qoray i aamina, illin ayaa igu taagan waayo waxaan ka ciishoonahay dhibka qabiilka uu ku hayo umada Soomaaliyeed. Walaalayaal gabadhii waxaan u tagay aabaheed, weliba aniga oo aan cidna u dirin, waayo inta aan odayaal horgeyn ayaan ku tashtay inaan marka hore aniga la hadlo. Waa taqaan Soomaalida, waxa u horeeya ee la is weydiiyo waa “Waa qolama ciddaada”, anigana sidii oo kale ayaa lai weydiiyay, markii aan u sheegay cidda aan ahay, aabahii wuu iga jeestay, aamusnaan kadibna wuxuu igu yiri “Ciddaas gabar siisan maayee, iga hor kac”, oo sidaa ah weliba, aan hal eray ku dareyn”.

Sababta odayga cideyda ku diidayo ma ahan inuu yasayo ee waxaa jirta dhacdo 12 sano ka hor dhacday, oo markii dambe gabadha ay ii sheegtay oo ah in nin ka dhashay beesheyda uu dilay aabaha walaalkiisa. Walaalayaal aniga ma aqaan ninkaas, xitaa isku laf ma nihin, laakiin guurkeyga ayuu hadda caqabad ku yahay.

Gabadhii Aabaheed, waxaan u diray reerka, oo la isku dayay in la dhaho waxaas waan kasoo gudubnay waana idin ka xaal marinay waqtigaas ee gabadha nasii, hase yeeshee gabadhii aabaheed “Maya” ayuu soo istaagay.

Haddaba, haddii xaal sidaas yahay, ayaa gabadhii iyo aniga wada hadalnay, walaalayaal gabadhu waxay I leedahay “Reerkeena waan kaaga soo go’aa, waxaana kula aadaa meel walba oo aan ku bad baado heleyno”, aniguna taas waa jeclaan lahaa, balse reerkeyga waxay I lee yihiin “Gabar lama guursadee, reerkeedaa la guursadaa”, waxayna lee yihiin haddiiba reerka uusan kugu faraxsaneyn weligiin nolshiina farxad noqon meyso, habeen iyo maalin sidan ayaan u fekeraa muddo 3 bilood ah, welina go’aan waa qaadan la ahay’ ee ila taliye, maxaan sameeyaa?

Qoraaladii hore ee  ILA TALI AQRISTE:

ILA TALI AQRISTE: “Ninkeyga laba arrinba waan ka goyn waayay”

“Tan oo kale hore ayey iigu dhacday”

“Markii aan ku dhowaado wuu iga durqaa, markii aan ka quustana hami buu i galiyaa”