ILA TALI AQRISTE: “Ninkeyga laba arrinba waan ka goyn waayay”

Aqrsite, waxaan halkan kuugu soo gudbineynaa dhambaal ka yimid aqriste kale oo idinka doonaya talo, waa barnaamijkeeni cusbaa ee aan ugu magac darnay ILA TALI AQRISTE: Ujeedka ayaa ah qofkii talo raba inuu soo weydiisto aqristayaasha aan u fududeyno, maadamaa uu heli karo fikrado badan oo kal duwan, mark a la isku geeyana noqon kara wax ku ool.

Waxaan idin ka codsaneynaa inaad aqrisaan farriintan, kadibna wixii talo ah oo wanaagsan oo  aad si daacad iyo qalbi furnaan ah ugudarsataan, adinka oo hab qoraalkiina ka ilaalinaya qaladadaaka ama Tape error-ka, si qofka talada ku socoto uu fahamkiisa ugu fududaado. Waxaad taladaada ku qori kartaa qeybta comments-ka.

Fadlan si anshax iyo wanaag leh ula tali walaalkaaga ama walaashaada dhiban. Adigana haddii aad talo doon tahay noogu soo dir arrintaada caasimada@live.com. Caasimada Online mar walba inay bulshada caawiso, una sahasho isticmaalka bogga ayay ballan qaadeysa

Talo doonkeena maanta waa gabar magaceeda kusoo koobtay Sucaad, oo aan inoo sheegin halka ay joogto.

Waxayna qoraalkeeda ku billwoday sidan:-

“Magacayga Waa Sucaad

Walaalayaal talo waa tii ilaah laakin tallo ayaan idinka rabaa. 

Waxaan ahay inan Soomaaliyeed waxaan guursaday nin iga weyn. Markii aan baranayey waxaan ku arkay inuu yahay muqayil yacni sigaar iyo jaad ayuu isticmaalaa. Waa nin shaqaysta, maalintii ilaa 2:30pm wuxuu ku maqan yahay shaqo markuu guriga yimaado wuu qadeeyaa, isla markii uu qadeeyo wuxuu aadaa magaalada iyo jaad. Habeenkii wuxuu yimaadaa 10:30 pm markuu soo galo wuxuu qaataa computer-kiisa fadhiga ayuu fariistaa ilaa 02:00am midnight, markaas ayuu haddana laptopkiisa qaataa oo jiifka soo galaa oo seexdaa. 

Sbaxdii markuu kaco shaqaduu aadaa, yacni sidaas ayaa uu noloshiisii ka dhigay, anigana ma is aragno habeenkii anoo hurduu tagaa, maalintii anoo shaqada ku maqan ayuu baxaa, dhowr jeer ayaan kale taliyey, waaniyey, labada family (qoys) micnaha reerkeyga iyo kiisa ayaan dhibkayga u sheegtay, mar kasta wuxuu dhahaa waan iska joojinayaa, haddana meeshiisa ayuu kaga miisaa. 

Dhowr jeer “ifur” ayaan iri, wuu iga diiday. Noloshayda mugdigaas ayey ku jirtaa meesha ay asaagay ay farxada kaga jiraan. Fadlan idinkoo mahadsan ila soo taliya ma ka tagaa oo waraaqdayda maka qaataa mise …..idinkaan idinka warsugayaa….Saddex jeer ayaa labada famil ka wada fariisteen, markii la iga furi lahaa ayaa waxaa la iyiri fursad sii markii ugu danbaysay weeyay’e. Fursaddii hadii aan siiyey, ninkii wax is badal ahkamahayo waa sidiisii, Markaan hadii aan is dhahana familkii ku noqo oo usheeg inuusan ninkaan wax isbadal ah lahayn fursadii ugu danbaysayna wuu qaata. Mana ahan nin yar oo aad dhihi kartid yaraan baa ugeenaysa waa 40 sano jir iyo ka badan, ana waxaan jiraa 23sano. Marka walaal taladiina ayaan u baahanahay inaad igu caawisaan. 

Mahadsanidin waa walaashiin Dhiban”

Qoraaladii hore ee  ILA TALI AQRISTE:

“Tan oo kale hore ayey iigu dhacday” 

“Markii aan ku dhowaado wuu iga durqaa, markii aan ka quustana hami buu i galiyaa”