Qorshooyin cusub oo laga damacsan yahay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta Maamulka Banaadir u qaabilsan dhinaca amaanka ayaa qorshaynaya sidii Muqdisho ay ugu samayn lahaayeen howlgalo gur guri ah kaas oo Amaanka Caasimada lagu adkaynayo.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka maamulka Gobolka Banaadir Warsame maxamad Xasan(Warsame joodax oo warbaahita la hadlay ayaa sheegaya in baaritaanadan ay ka qabsoomayaan Muqdisho oo dhan guryaha ku yaala.

Waxaa uu ku micneeyay Gudoomiyahaha howlgalkaan mid qashin saar ah taas oo uu kala jeedo kooxaha gabaadka ka dhiganaya Guryaha kana Mid ah kuwa amaandarida ka gaysanaya Caasimada.

Warsme joodax ayaa carabka ku dhuftay kooxaha qaraxyada iyo dilka ka gaysanaya Muqdisho inay ku jiraan degmooyinka 17-ka ah ee Dowlada ay maamusho.

Hadalka Maamulka Banaadir ayaa waxaa uu yimid iyadoo Xaalada amaan ee Muqdisho maalinba si ay tahay.