Chelsea oo qarka u saaran inay lasoo saxiixato Wallace.

Chelsea ayaa ugu dambeyn rajo ka qabta inay 4.5 milyan oo ginni dhamaadka ibuucaan kula soo saxiixato daafaca dadabka midig ee dalka Brazil Wallace, oo 18 jir ah, wuxuuna imaan doonaa Stamford Bridge, isagoo dib amaah loogu siin doono kooxdiisii hore Fluminense.

“Waxaa jira wada xaajood xowli ku socda oo ay kula jirto Chelsea saxiixana horaan ayaa la isla meel dhigay,” ayuu yiri wakiilka daafaca Frederico Moraes

Waxaa jiray warar kale oo sheegay in kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Rome ay xidigaan qaadaneyso laakiin sidoo kale taas meesha waa laga saaray.

“Hadii uu Wallace aado Chelsea, halkaas ayuu ka ciyaari doonaa,” ayuu ku daray Moraes. “Waxaa qandaraas usoo bandhigay Rome iyo kooxo badan oo kale oo Talyaani ah, laakiin waxay aheyd waqti hore.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.