Nicholas Kay iyo wafdi gaaray Jowhar

Jowhar (Caasimada Online)- Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaa maanta oo Sabti ah gaaray wafdi uu hoggaaminaayi wakiilka gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Kay.

Wafdiga ayaa la sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada johar waxaana hadda kulan ay albaabada u xiran yihiin kula jira mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha dhexe, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Jowhar.

Sidoo kale waxa ay la kulmi doonaan qeybaha bulshada, kuwaasoo ay kala hadli doonaan xaaladda guud gobalka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan xarunta Jowhar.

Wafdiga danjiraha waxaa ku jira mas’uuliyiin ka socda hay’adaha UNICEF, UNDP, UNOCHA iyo FAO sida uu Bar-kulan u xaqiijiyay sarkaal ka mid ah Qaramada Midoobay oo ku sugan Jowhar.

Danjiraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka kubbadda cagta ee xaafadda Kulmis ka dejisay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter), waxaana loo sii gudbiyay xarunta Xiriirka Shaqaalaha oo horay loogu sii diyaariyay.

Ammaanka Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalad gaaray ciidan gaar ah oo ka yimid Muqdisho kuwaasoo ka qeyb qaadanaya uun sugidda ammaanka wafdiga ku sugan magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com