XOG: Gen. Fartaag oo loo diiday in uu galo Buuloxaawo iyo xog sheegeysa…

Baladxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan xiisad kaddib markii maamulka Ahlu Sunna ee halkaas ku sugan ay diiddeen in ay magaalada soo galaan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne ku-xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Afhayeenka Ahlu Sunna ee Koonfur Galbeed, Sheekh Maxamed Isxaaq Al-Qaadi ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in maamulkooda uu go’aansaday in ay wafdiga ka yimid Kismaayo aaney imaan karin Baladxaawo.

Wuxuu sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ka dambeeyo dagaallada ku soo laablaabtay Baladxaawo maadama uu hubeeyay maleeshiyaadka ka yimid Doolow.

Arrintan waxa ay keentay in wafdiyo kalala baxay, Muqdisho, Ceelwaaq iyo Kismaayo in ay soo gali la’yihiin magaalada Baladxaawo oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo ka wadatirsan dowladda.

Dhawaan waxaa Garbahaareey gaaray wafdi ka socda dowladda fedaraalka waxaana hoggaaminaya wasiirka gaashandhigga Gen Maxamed Xasan Xaamuud balse wafdigaas waxa ay weli aaney galin Baladxaawo mana cadda sababta ay u gali la’yihiin magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com