Lacag Cabdi Weli uu Axmed Madoobe siiyey oo khilaaf ka dhex abuurtay DF

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa waxaa ka bilowday muran ku adan lacag Ra’iisul Wasaaraha Somalia u ka bixiyay qasnada Dowlada Somalia.

Lacagta Ra’iisul Wasaaraha u ka bixiyay qasnada dhexe ee Dowlada ayaa waxay ahayd 500,000 (Shan boqol oo kun) oo dollar waxaana lacagtaani loo diray 3 bari ka hor Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Lacagtaan ayaa waxaa laga qaba waal wal ah in ay si huriso colaadda ka tagan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxaana masuliyiin ka tirsan Barlamanka Somalia ay sheegen in ay Gudomiyaha Barlamanka Somalia u gudbiyeen in Ra’iisul Wasaaraha Somalia wax laga waydiyo sababta uu lacagtaasi ugu diray garab ka mid ah garabyada isku haya Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.

Cabdi Weli, ayaa la sheegay inuu ku dooday in lacagta uu ku bixinayo wax uu ugu yeeray shirarka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo, balse waxaa jira shakiyo kale iyo xog taas ka duwan.

Marka laga soo tago muranka ay lacagtaasi ka dhex dhalisay xubnaha golaha barlamanka Somalia ayaa waxaay lacagtaasi dab ku sii shiday xiriirka Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo dhawaanahanba ahaa mid aanan wanagsanayn, waxaana labadaani mas’uul ay isku afgaran wayeen kulan kooban oo habeen hore dhex maray ka hor inta aanay ka qeyb galin xafladdii 15-kii May, markaasi oo wejigooda laga dheehan karay khilaaf.

Xasan iyo Cabdi Weli oo muujinaya in xaalku aan saxsaneyn
Xasan iyo Cabdi Weli oo muujinaya in xaalku aan saxsaneyn

Warar kale ayaa sheegaya in lacagta loo kala qaybiyay labo qaybood ayada oo qeyb ka mid ah uu qaatay Axmed Madoobe, halka qeybta kalena Gen. Fartaag uu qasnadda ku ritay.

Maxay lacagtaasi ku kala baxaysaa?

1- Lacagta la siiyay Axmed Madoobe ee 300 oo kun ah waxa ay inteeda badan ay ku baxaysa Dhismaha Ciidamada iyo sugida Ammaanka ayado lacagta qaybteeda ugu badan ay noqon doonto mid loo qondeeyo Ciidamo tababar ku qaatay Dagmada Dhoobleey lana rabo in loo raro Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo waxaana Ciidamadaasi lagu qaadi doona Diyaarado.

2- Lacagta 200 oo kun ah ee gacanta loo galiyay Gen. Fartaag ayaa ayadana waxaay inteeda badan ku baxaysaa kala furfurka Ciidamada Ahlusunna Waljamaca ee Gobolka Gedo iyo Maamulka Gobolka Gedo iyo sidi Calanka Maamulka Jubba loga taagi lahaa Dagmoyinka Balad Xaawo iyo Luuq.

Lacagtaan ayaa waxaa sido kale lagu kasban doona Odayaasha dhaqanka Gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta gobolka Gedo ee anan Mowqifkoodu fogeyn.

Lacagahaan badan ee soo galay garab ka mid ah garabyadii isku hayay Siyaasada Gobolada Jubboyinka ayaa waxaay sababi karaan dagaal faraha loga gubto oo ka dhaca qaybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Isha: kismaayo24