SOMALILAND oo weerar ku qaaday Cali Khaliif si dirqi ahna uga baxsaday

Laasacaanood (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in ay ciidamo u direen deegan u dhow magaalada Laasacaabood ee gobalka Sool, halkaasoo la sheegay in uu ku sugnaa xildhibaan Cali Khaliif Galeyr.

Afhayeen u hadlay maamulkaas, ayaa BBC-da u sheegay in Cali Khaliif Galeyr uu ka waday tuulada Saaxdheer oo 90km u jirta Laasacaanood isku dir iyo nabadgalyo darro sidda uu hadalka u dhigay,isagoona intaas ku daray in u jeedkooda uu ahaa siddii ay ku soo qaban lahaayeen.

Wuxuu sheegay oo kale in uu ka baxsaday markii baabuur uu la socday ay raacdeesteen balse aaney soo qaban.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Khaatumo ama Cali Khaliiif Galeyr qudhiisa.

Xildhibaan Cali Khaliif ayaa maalmahan ku sugnaa Buuhoodle iyo deeganno uu maamulo maamulka Khaatumo.

Ciidamada Somaliland ayaa weli ku sugan tuulada Saaxdheer ee u dhow Laasacaanood mana cadda qorshaha xigga ee ay damacsan yihiin maadama uu si dirqa ah uga baxsaday Cali Khaliif Galeyr.

Waa markii ugu horreysay oo Somaliland ay weerar ku qaado Cali Khaliif Galeyr oo ah siyaasi ka soo jeeda deegannada Buuhdoole iyo Laasacaanood.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com