Xildhibaannadii horumarka Muqdisho diidanaa oo maanta guuleystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah cod aqlabiyad leh ku didday shirkadda laga lee yahay Turkiga ee Favori taasoo maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadee ee Muqdisho.

Fadhigga maanta oo buuq badan uu hareeyay, waxaa dhowr jeer la waayay tiro sax ah oo u codeysa mooshinka laga keenay shirkadda Favori waxaana markii dambe guddoonka amray in la xiro dhammaan albaabada xarunta baarlamaanka si xildhibaannada jooga aaney u bixin.

Kulanka waxaa maanta joogay 139- mudane, waxay 124 ka mid ah u codeeyeen in shirkadda Favori dalka laga saaro, 13-mudane ayaa u u codeeyay in shirkadda howlaha ay ka heyso garoonka uu yahay mid dalka wax u taraya, waxaa kaa aamusan labo mudane, siddaas waxaa sheegay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo shir guddoominaayay kulanka.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa amar ku bixiyay in dowladda ay dib u eegis ku sameeso heshiiska lala galay shirkaddan Favori maadama markii horre heshiis qaldan lala galay, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaannada diiday shirkadda Favori, ayaa isugu jira kuwa diidan horumarka Muqdisho iyo kuwa ay shirkadda SKA lacag soo siisay.

Shirkadda laga lee yahay Turkiga ee Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa muddo siddeed bilood laga joogo waxa ay kala wareegtay shirkad kale oo lagu magacaabo SKA, waxaana heshiis la gashay xukuumadii horre ee Saacid.

Shirkadda ayaa laga doonayay in ay dib u dhis iyo dayactir xooggan ku sameeso garoonka muddo kooban, balse tan iyo markii uu soo baxay in shirkadda lagu kacsan yahay waxaa hakad ku yimid howlihii shirkadda garoonka ay ka heesay.

Si kastaba, waxaa soo baxay warar xaqiiqo ah oo ku aadan cidda ka dambeesa in shirkadda Favori dalka laga mamnuuco, waxaana arrintaas lacag badan ku bishi shirkadii horre ee SKA taasoo la sheegay in lacago laaluush ah siisay xildhibaannada doodda ka keenay shaqada ay shirkadda ka heyso garoonka Muqdisho.

Turkiga waa dowladda kaliye ee si hagar la’aaneed wax u tartay umadda Soomaaliyeed iyo dalkooda, balse waxaa jirra waddamo dhaliilsan arrintaas oo lugooyo la damacsaan Soomaalida mar kasta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com