Dhageyso: Prof. Cali Khaliif Galayr oo ka hadlay weerar ay ku qaaday S/Land

Buuhdoole (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay weerar maanta lagu qaaday isagoo ku sugan meel ku dhow Laasacaanood.

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uu muddo seddax toddobaad ku sugnaa deegannada Saaxdheer iyo Buuhoodle, isagooan yiri waxaan halkaas u tagnay shirar la rabay in maamulka Khaatumo ay ku qaban rabeyn lahaayeen Taleex.

Wuxuu sheegay haddii maamulka Somaliland uu lee yahay maamulka Khaatumo shirar ma qabsan karaan oo aayahooda uga tashan karin, waa gardarro qaawan.

Wuxuu arrin fashil ah ku tilmaamay sirdoonka Somaliland haddiiba ay lee yihiin Cali Khaliif Galeyr ayaa joogay Tuulada Saaxdheer oo 90km u jirta dhinaca koonfur galbeed ee magaalada Laasacaanood.

Wuxuu sheegay inuu mar horre ka soo tagay tuuladaas oo uu hadda joogo deegan u dhow Taleex oo xittaa raadkooda iyo shaqn qartooda ma maqlin wax qarsan ma ahan” ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay sababta uu joogo deegannada u dhow Laasacaanood?

Wuxuu sheegay in maalmahan uu ku sugnaa isaga iyo odayaal kale deeganno hoostaga maamulka Khaatumo, oo ay halkaas kulamo kula yeelanaayeen wax garadka ku dhaqan si looga soo dhex xulo ergooyinka ka qeybgalaya shirka maamulka Khaatumo ee la rabo in dhawaan lagu qabto Taleex.

Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in maamulka Khaatumo ay ka horreeyaan maamulada kale ee ka dhisan dalka kuwaasoo dhaqaale badan ka hela beesha caaalamka balse Khaatumo waa dad isku tashada” ayuu yiri

Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu eedeeyay in uu ka waday deeganandaas isku dir iyo nabadgalyo darro sidda uu maamulka Somaliland sheegay maanta.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Galayr ee BBC

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Taleex

Caasimada@live.com