Kenya oo warkeeda caddeysay: Xafiis ayay Somaliland ka furaneysaa Nairobi, Kenya-na Hargeysa ayey ka furaneysaa

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in xafiis diblomaasiyadeed ay ka furan doonto magaalada Hargeysa ee Caasimada maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia.

Tallaabadan ayaa timid ayada oo maamulkaasi uu beri u dabaal dagayo sanadguuradii 23-aad ee kasoo wareegtay, markii ay madaxbanaani kaga dhowaaqeen Somalia.

Xoghayaha guud ee arrimaha dibedda Kenya Dr. Kibicho Karanja, ayaa arrintan xaqiijiyey, waxaana uu sheegay in xukuumadda Nairobi ay ansixisay in xafiis diblomaasiyadeed laga furo Hargeysa.

Dr. Kibicho Karanja
Dr. Kibicho Karanja

“Waa run inaan xafiis diblomaasiyadeed ka furaneyno Hargeysa, waxaana sidoo kale u ogolaannay Somaliland inay xafiis ka furato Nairobi, laakiin tani lama macno ah qunsuliyad diblomaasiyadeed” ayuu yiri Dr. Kibicho.

Waxa uu sheegay in furitaanka xafiisyo xiriiriya labada dhinac ay la macno tahay in la isku soo dhoweeyo labada shacab.

Dowladda Somalia, ayaa horey cabasho uga muujisay tallaabada Kenya, ayada oo ka walaacsan in tani ay xiriir diblomaasiyadeed dhalin karto mustaqbalka, sida ay Caasimada Online horey u werisay.

“Waan u sheegnay dowladda Somalia arrintan, waxaana u caddeynay inaan Somalia u aqoonsanahay hal dal oo kaliya” ayuu yiri Kibicho.

“Ma jiro wax muran ah oo arrintan ka taagan, waayo waan kala hadalnay mas’uuliyiinta dowladda Somalia” ayuu sii raaciyey.

Maamulka Somaliland ayaa Dr. Maxamed Jaamac u magacaabay inuu noqdo wakiilka Somaliland u fahdin doono Nairobi, waxaana uu soo dhoweeyey tallaabada xukuumadda Kenya.

Dowladda Somaliaa weli si shaacsan ugama hadal arrintan, waxaana tallaabada cusub ee Kenya ay muujineysaa is-beddelka siyaasadeed ee Kenya ee ku wajahan Somalia, saddexdii sano oo ugu dambeysay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com