Tarsan: Go’aanka BF Somalia waa mid cunaqabateyn ku ah Muqdisho kaliya

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii gobalka Banaadir Maxammuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa caawa ka hadlay go’aankii maanta baarlamaanka Soomaaliya ku diideen shirkadda Turkiga maamusha garoonka diyaaradaha ee Favori.

Tarsan ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid lagu cunaqabateenaayo uun magaalada Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in sharciga baarlamaanka uusan caqabad ku noqon horrumarka caaasimada Muqdisho.

Duqii horre ee Muqdisho, Tarsan oo caawa la hadlaayay Idaacad maxali ah oo ku taalla Muqdisho ayuu sheegay haddii shirkadda Favori ay joojiso shaqada ay ka heyso garoonka oo ay aado garoonka Hargeysa awood ma u lee yihiin baarlamaanka in ay joojiyaan shaqadaas ” Wuxuu yiri “Maya”

“Xildhibaannada baarlamaanka waa in sharciyada ku cadaadin Muqdisho oo kaliye, haddii shirkadda Favori joojiso howlaha garoonka oo ay tiraahdo waxaan ballaarin ku sameenayaa garoonka Hargeysa ama dekedda Berbera kama hadli karaan, ma ahan in sharciga baarlamaanka kaliye lagu dhibaateeyo Muqdisho uun” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa baaq u diray xildhibaannada baarlamaanka isagoona ku yiri ” Yaan shirkaddaha ajaaniibta ee dalka u yimid lagu ciqaabin qaladaadka ay sameeyeen wasiiradda, waa in lakala ogaadaa khasaaraha iyo faa’idada ka dhalan karta, waayo marka shirkad dhaqaalaheeda wadata oo dalka timid la niyad jabiyo ma dhaceyso in markale ay ku dhiirato inay dib ugu soo laabato dalka” ayuu yiri Tarsan.

Guddoomiyihii horre ee baarlamaanka, ayaa ku taliyay in danta dalka ay ku jirto in shirkadaha ajnebiga loo fudeeyo howlaha ay dalka ka qabanayaan sidda uu yiri.

“Anniga waxaan aaminsanahay in shirkado ajnebi ah dalka la keeno waayo Mareykanka iyo Britain oo ah dowlado hor maray waxa ay soo kireestaan shirkado ajnebi ah, khibrad iyo waayo aragnimo ayaa laga bartaa” ayuu yiri Tarsan.

Hadalka Tarsan ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta xildhibaannada baarlamaanka ay cod aqlabiyad leh ku diideen heshiiska dowladda Soomaaliya ay lagashay shirkadda Turkiga laga lee yahay ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com