Oday 85-jir ah oo baroortay markii uu ka mid noday dadka ku xiran..

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool Kenya, waxaana xabsiyada dalkan buux dhaafiayay maxaabiis u badan Soomaali.

Dadkaas waxa ay isugu jiraan, carruur, haween, dhallinyaro iyo dad waayeelo ah oo ay ku jiraan dad xanuunsan.

BBC-da ayaa saakay wareysatay oday Soomaali ah oo da’diisa ku sheegay 85 sano oo ku xiran xabsi ku yaala Nairobi, sugayana in loo musaafuriyo Soomaaliya.

Odaygan oo magaciisa ku sheegay Cabdi Maxamed Cali ayaa sheegay in muddo ah uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Nairobi isagoona tilmaamay in uu ka soomay cuntada sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay oo kale in uu Kenya u yimid siddii uu ula kulmi dhakhtar joogay isla markaana uusan indhaha waxbo si fiican uga arkin.

Waxaa la weydiiyay sidda lagu qabtay, wuxuu sheegay isagoo raba in uu ku laabto Kampala oo markii horre uu ka yimid in la qabtay oo xabsiga ladhigay.

Mar uu ka warramayay xaalada xabsiga iyo Soomaalida ku xiran, wuxuu tilmaamay in xaalad aad u xun ay ka jirto goobta oo ay ku jiraan dumar iyo carruur qaar xanuusanaya.

Wuxuu madaxda dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay si degdeg ah uga saaraan xabsiga ay ku jiraan oo ay dib ugu celiyaan dalkooda.

Odayga ayaa baroortay oo hiin ayuu qabsaday markii la wareesanaayay wuxuuna ku celceliyay in xaalad xun ay ku sugan yihiin isaga iyo maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalka Kenya.

Waa dhibaato kale oo la soo daristay Soomaalida ku nool Kenya, waxaana arrintaas laga sugaaba dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato oo ay muwaadiniinteeda wax u tarto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com