DHAGEYSO: Kay oo ka hadlay kaalinta uu ku leeyahay khilaafka xildhibanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa iska fogeeyay in uu ka dambeeyo kala qaybsanaanta Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee toddobaadyadii ugu dambeeyay taagnaa.

Waxa kaloo uu meesha ka saarray in uu taageeray garab ka mid ah labada garab ee ay u kala qaybsamayn Xildhibaanada Baarlamaanka, wuxuuna ku sheegay mid aanu waxba ka jirin.

Wakiilka oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, xilli uu booqasho ku jooggo Magaalada Copenhagen ee cariga Denmark, ayuu sheegay in Xafiiska Qaramada Midoobe ee Somaliya, ku shaqeeyo sidii Somalida oo idil loo taageeri lahaa, balse aanu cid gaar ah la shaqayn.

Amb. Nicholas Kay, ayaa afka ku ballaariyay in xafiiskiisu uu ka shaqeynaayo sidii Somaliya looga saari lahaa marxalada adag ee ka jirto, dibna ay markale cagaheedu isugu taaggi laheyd.

Mar wax laga weydiiyay shirka Magaalada Copenhagen ee berrito lagu wado in uu ka furmo, ayaa waxa uu sheegay in dunida oo idil ay shirkaasi ku taageereyso Somaliya, isla-markaana ay dunidu ahmiyad gaar ah ku siin doonto, sida uu yiri.

Nicholas Kay, ayaa horey Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ugu eedeeyay inay codadkoodu iibsadaan, marka uu khilaaf soo kala dhexgalo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa intoodu badan si kulul u dhaliilay eedeymaha uu u soo jeediyay Nicholas Kay, walow ay jiraan tiro ka mid ah oo taageertay hadalkiisii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com