NICHOLAS KAY oo sheegay in hal arrin laga doonayo DFS iyo shacabkeeda

Muqdisho (Caasimada Online)-Dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah lagu qabtay waxaana su’aallo lagu weydiiyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key.

Waxaa su’aalaha weydiinaayay khubaro kala duwan oo la socda siyaasadda dalka iyo howsha uu hayo xafiiska UNPOS ee QM hoosta kaasoo muddo sannad hadda ka shaqeenaya dalka.

Marka horre Mr Key ayaa ka hadlay bal wax yabaha u qabsoomay xafiiska uu madaxda ka yahay ee UNSOM, wuxuuna sheegay in mudda ay jirayn ay door ku lahaayeen wax yaabo horrumar ah oo dalka ka dhacay sidda in maamulada qaar iyo dowladda la heshiisiiyo.

Wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda looga baahan yahay in la yimaadaan tallaabooyin horrumar ah oo lagu gaari in sannadka marka uu yahay 2016-ka doorasho ay ka dhacdo dalka.

Doodda ay Heritage Muqdisho ku qabatay
Doodda ay Heritage Muqdisho ku qabatay

Markii uu hadalka dhammeestay danjire Key, waxaa la weydiiyay su’aallo dhowr ah oo ay ka mid tahay xiriirka isaga iyo Somaliland, wuxuu sheegay in Somaliland loo diiday oo uusan tagi karin markii arrimi siyaasadeed ay soo baxayn balse ma uusan faah-faahin.

Wuxuu ka hadlay howgallada ka socda dalka ee la doonayo in looga xorreeyo wuxuu muujiyay in UNSOM ay door ka qaatay taageerada AMISOM iyo ciidanka dowladda.

Waxaa kaloo la weydiiyay in dalka ay ka dhaci karaan doorasho marka laga gaaro 2016-ka, wuxuu sheegay marka hadda la eego sidda wax loo wado iyo wax yaabaha dhimmaan in aaney suuragal noqon doonin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com