26.6 C
Mogadishu
Saturday, March 14, 2026

Nickolas Kay & Max’ed Cabdi Afey oo tagay magaalada Kismaayo (Ujeedada)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online)- Waxaa maanta magaalada Kismaayo gaaray wafdi ka socda Urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Wafiga IGAD waxaa hogaaminayo Maxamed Cabdi Afeey wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya, waxaana la sheegayaa inay kulamo la qaateen madaxda maamulka Jubba.

Maxamed Cabdi Afeey, oo saxaafada kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ujeedada safarkooda maanta uu ku wajahan yahay sidii ay qeyb kaga qaadan lahaayeen dhismaha baarlamaanka maamulka Jubba.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wafdigooda ay ka qeyb gali doonaan xaflada xeritaanka soo xulista baarlamaanka maamulka Jubba, Iyadoo Xogtaasi Caasimada Online ay horay u baahisay.

Wafdiga QM waxaa hogaaminayo wakiilka ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay, waxaana uu kulamo la qaatay xubnaha QM kaga sugan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale wuxuu garoonka diyaaradaha kula kulmay maamulka Jubba masuuliyiin ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News