25.7 C
Mogadishu
Thursday, December 11, 2025

R/W CCC oo gaaray Dhuusamareeb !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiin ka tirsan wafdiga Ra’isul wasaaraha ayaa soo sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada hadana loo galbiyay Xarunta Maamulka.

Socdaalka Cumar Cabdirashiid ayaa waxa uu daba socdaa qorshayaasha la doonayo in Maamul loogu sameeyo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Amaanka Ra’isul wasaaraha ayaa la wareegay Ciidamada Jabouti ee qeybta ka ah AMISOM, waxaana la soo sheegayaa in dhamaan isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha la xanibay.

Dhanka kale, Ra’isul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaatan Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Gudiyada qaabilsan dhismaha Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News