27.9 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Warbixin: Dad Qaraxyo u aasayay goob lagu shaaxo oo gacanta lagu dhigay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen dad falal amni daro ka waday magaaladaasi.

Dadka la qabtay ayaa gaaraya labo ruux oo la sheegay inay aasayaan waxyaabaha qarxa, sida saraakiisha oo saxaafada la hadlay ay sheegeen.

Dadkaasi ayaa qaraxyada doonayay inay ku aasaan xero Daraawiish oo ku taala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Saraakiisha amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay socdaan baaritaano lagu sameynayo dadka falkaasi geysanayay oo ciidamadu ay qabteen iyagoo howsha ku jiro.

Waxaa la sheegayaa in goobta qaraxa lagu aasi rabay ay aheyd goob Shaaxa lagu cabo oo ay ku kulmaan dadweyne badan, maadaama ay ku yaalaan goobo ganacsi oo waaweyn.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News