Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu amray in shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Banaadir uusan faraha la gali karin Cali Maxamed Geedi.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu odayaal iyo siyaasiyiin kale u sheegay in Geedi uusan qeyb ka ahaan karin Siyaasada ku xeen-daaban dhismaha Maamulkaasi, isaga oo ku eedeeyey inCali Geedi uu qasay nidaamkii ay DF Somalia ku dooneysay dhismaha Maamulkaasi.
Xasan ayaa la sheegay inuu Cali Geedi ku eedeeyey inuu maskaxdiisa ka sameeyay gudiyo hoose oo ka shaqeynaaya dhismaha maamulka gobolada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Banaadir, taasina ay kor hortimid qorshihii Xasan.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Ujeedka Cali Geedi uu ahaa inuu ku lug yeesho dhismaha Maamulka, balse markii ay xaajo dhabaqsantay uu Madaxweynaha ku amray Gudoomiyayaasha in gudiyada hada la dhisay aysan gacan ku yeelan karin Xubno aan amarkooda kasoo bixin Madaxweynaha.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay inay socoto qaban qaabada shirkaasi, islamarkaana siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda seddexdaasi gobolka ee uu soo xulay Madaxweynaha ay isku waafaqeen in shirka uu ka dhaco Jowhar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

