Nigel de Jong oo garoomada ka maqnaan doona lix bilood.

Nigel de Jong ayaa garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray lugta kulankii ay Milan 4-2 ku dubatay Torino Axadii.

Kubad burburiyahaan heerka caalami ee dalka Holland ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 22-aad, markii tijaabo caafimaad uu maray goor dambe ayaana la ogaaday inuu dhaawac waqti dheer ah soo gaaray.

“AC Milan waxay xaqiijineysaa intii lagu jiray kulankii u dhexeeyey Torino iyo AC Milan, inuu Nigel de Jong dhaawac kasoo gaaray lugtiisa bidix,” ayaa lagu qoray Website-ka Milan.

De Jong ayaa xagaagii Milan kaga soo biiray kooxda Manchester City waxaana lagu soo iibsaday 4.5 milyan oo euro wuxuu u saftay 15 kulan xilli uu hal gool u dhaliyey Rossanerri.