Andrea Stramaccioni oo dib u weeraray Tababaraha Juve Conte.

Tababaraha kooxda Inter Andrea Stramaccioni ayaa cadeeyey in hadii uu Antonio Conte yahay ‘Special One’,  uu markaas isna yahay ‘Normal One’, iyadoo kooxdiisu ay guul 2-1 ah ka gaartay kooxda Napoli Axadii.

Goolal ka kala yimid Fredy Guarin iyo Diego Milito ayaa u fududeeyey Nerazzurri inay kaalinta labaad ka gashi Serie A, inkastoo uu Edinson Cavani gool usoo celiyey kooxda San Paolo.

Ka dib ciyaarta, Stramaccioni ayaa u jawaabay tababaraha Bianconeri kaasoo isku sheegay mid gaar ah, wuxuuna ku jawaabay: “Hadii uu Conte dareemayo inuu yahay ‘Special One’ markaas  ana waxaa ahay ‘Normal One’.”

Inter ayaa kaalinta labaad kaga jirta Serie A waxanya leedahay 34 dhibcood iyagoo afar dhibcood oo keliya ka dambeeya Juventus.