Henry oo ku dhow inuu markiisii sedaxaad kusoo laabto Arsenal.

Thierry Henry ayaa qarka u saaran inuu markiisii sedaxaad kusoo laabto kooxda Arsenal kulanka ay FA Cup wajahayaan kooxda Swansea 6da Janaayo.

Gunners ayaa wadahal kula jirtay New York Red Bulls sidii ay amaah ugu soo qaadan laheyd Henry waxayna bilowdeen shan maalin ka hor, sida uu qoray Daily Mail.

Tababare Arsene Wenger ayaa rajo ka qaba inuu Henry u safto kooxdiisa wareega sedaxaad ee FA Cup.

Heshiiska waa la isku afgartay laakiin labada koox ayaa weli wadahadal ku jira iyadoo laga doodayo in amaahda la dheereeyo.

Wegner ayaa doonaya inuu Henry oo 35 jir ah, amaah ku heysto inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan laakiin kooxda MLS ayaan dooneyn inay weeraryahankeeda lumiso xilliga uu bilaabanayo Horyaalka Mareynkanku.

Red Bulls ayaana door bidi laheyd inay weeraryahankooda helaan bilowga xilli ciyaareeddkan inta lagu jiro March.

Weeraryahanka qaranka Holland Klaas-Jan Huntelaar ayaa ah nin kale oo diirada u saaran tababaraha Faransiiska ah, halka uu si aad ah u doonayo ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace Wilfried Zaha.