Sawirro: Natiijada cayaartii Soomaaliya vs Niger

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Ciyaar ka mid ahayd is reeb reebka koobka kubadda cagta ee 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka ayaa galabta waxaa aay ku dhex martay Magaaladan Addis Ababa Somalia iyo Niger.

Cayaaryahanka Mouse Maazou ayaa labada gool u dhaliyay Niger daqiiqadii 58 iyo daqiiqadii 62.

Cayaartan oo aay ahayd in lagu qabto dalka Soomaaliya ayaanan suurto galeyn colaadaha raggaadiya Soomaaliya aawgeed.

Tababaraha xulka qaranka Soomaaliya James Magala ayaa sheegay in ciyaartoydiisu aay si wanaagsan u ciyaareen walow uusan ku faraxsaneyn. “Waxaan helnay fursado badan oo aan goolal ku dhalin karnay balse taas ma aaysan dhicin ayuu yiri. Lugta labaad ee lagu qaban doono dalka Niger ayaan ku dadaali doonaa sidii aan goolal u dhalin lahay ayuu yiri mar uu wareysi siiyay BBC”

Kooxda Qaranka Soomaaliya ayaa aad uga heer sarreysay cayaar ahaan kooxda Niger, balse khibrad yari darteed looga badiyay. Haddii aay sidaan u sii ciyaaraan oo aay is ciyaar bartaan Xulka Qaranka Soomaaliya waxaa hubaal ah in aay soo hooyin doonaan Guulo.

som8Som7Som6Som5Som4Som3som1

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa