Khilaaf ka dhex curtay A/Madoobe iyo Fartaag.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhextaagan yahay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Abdullahi Sheekh Ismaaciil ”Fartaag” Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu yimid kadib markii Fartaag lagu wargaliyay in laga reebay Xukuumada cusub ee uu iminka dhisaayo Hogaamiyaha Jubbaland.

Fartaag ayaa markii hore lagula ballamay in xukuumada soo socta uu ka noqon doono Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka, balse waxaa iminka muuqaneyso in Axmed Madoobe uu la imaaday Mas’uul kale, sida ay xogtu sheegeyso.

Fartaag ayaa mudooyinkaani danbe mashquul saa’id ah ku ahaa xal u raadinta khilaafyo ka dhextaagnaa Maamulkii hore ee Gobolka Gedo iyo mid dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe.

Sidoo kale Fartaag ayaa horboodaayay duulaankii Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia ay ku qabteen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale, Odayaal dhaqmeed iyo Siyaasiyaan ayaa la sheegayaa in iminka ay ku dhex jiraan Khilaafka ka dhex curtay Axmed Madoobe iyo Fartaag, waxaana suuragal ah in xal laga gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com