Muqdisho oo ay kusoo badaneyso arrin cusub.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mudooyinkaani danbe Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia kusoo badanaayay Gabdhaha ku faana caado dhaqameedka labiska iyo astaanta Calanka Somalia oo laga dhigto dharka labiska.

Xiliyada aad dhex heehaabeyso Magaalada Muqdisho iyo xaafadaheeda waxa ay ishu qabaneysaa dumar farabadan oo iyagu labis ka tosha Calanka Somalia kaasi oo caado dhaqmeed xiligaani ka noqday Magaalada Muqdisho.

Dharka noocaasi ah ayaa waxaa ka ganacsada ganacsato qurba joog ah, waxa ayna noqonayaan kuwo inta badan ka qeybqaata ku beerida shacabka Soomaaliyeed wadaniyada.

Tallaabadaani ayaa muujineyso in shacabka Soomaaliyeed ay dib u milicsi ku sameynayaan ku faanida dhaqanka iyo inay sara qaadan Calanka Somalia.

Xeebta magaalada Muqdisho, Hoteelada, goobaha ay dumarka ku kulmaan iyo Xaafadaha qaar ayaa ku dhex arkeysaa dumarka caado dhaqmeedka qaata.

Arrintaani ayaa waxbadan ka bedeshay muuqaalkii magaalada Muqdisho lagu garanaayay 22-sano ee laga soo talaabay ee dalka uu saaxiibka u ahaa burburka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com