28.9 C
Mogadishu
Monday, November 3, 2025

Nigeria oo jawaab ka bixisay hanjabaadda militari ee Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abuja (Caasimada Online) – Dowladda Nigeria ayaa sheegtay Axaddii inay soo dhaweynayso gargaar ay Mareykanku ka siiyaan la-dagaallanka fallaagada Islaamiyiinta ah, waase haddii la ixtiraamo madaxbannaanida dhulkeeda. Hadalkan ayaa jawaab u ahaa hanjabaado tallaabo milatari oo uu jeediyay Madaxweyne Donald Trump, oo ku saabsan waxa uu ugu yeeray tacaddiyo lagula kaco Masiixiyiinta ku nool dalkaas ku yaalla Galbeedka Afrika.

Trump ayaa sheegay Sabtidii inuu ka codsaday Waaxda Difaaca inay u diyaar garowdo “tallaabo milatari oo degdeg ah” oo suurtagal ah oo laga qaado Nigeria, haddii dalka ugu dadka badan Afrika uu ku guuldarreysto inuu si adag wax uga qabto dilalka Masiixiyiinta.

“Waan soo dhaweyneynaa kaalmada Mareykanka inta ay aqoonsan yihiin madaxbannaanida dhulkeenna,” ayuu Daniel Bwala, oo ah la-taliye u ah Madaxweynaha Nigeria Bola Ahmed Tinubu, u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Bwala ayaa ku dadaalay inuu qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa labada dowladood, inkastoo Trump uu Nigeria ku tilmaamay “waddan sumcaddiisu meel kaga dhacday”.

“Waxaan hubaa in marka ay labadan hoggaamiye kulmaan oo ay wada fariistaan, ay ka soo bixi doonaan natiijooyin ka wanaagsan go’aankeenna wadajirka ah ee ah la-dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri.

Dalka Nigeria, oo ay ku nool yihiin in ka badan 200 oo milyan oo qof iyo ku dhawaad 200 oo qowmiyadood, ayaa u kala qaybsan woqooyi ay u badan yihiin Muslimiin iyo koonfur ay u badan yihiin Masiixiyiin.

Fallaagada Islaamiyiinta oo sanado badan halaag waday

Kooxaha fallaagada Islaamiga ah sida Boko Haram iyo Gobolka Galbeedka Afrika ee Daacish (Islamic State West Africa Province) ayaa dalka halaag ka waday in ka badan 15 sano, iyagoo dilay kumanaan qof. Si kastaba ha ahaatee, weerarradooda ayaa inta badan ku ekaa gobolka woqooyi-bari ee dalka, oo ah deegaan ay u badan yihiin Muslimiin.

In kasta oo Masiixiyiin la dilay, haddana inta badan dhibbanayaasha waxay ahaayeen Muslimiin, sida ay sheegeen dadka falanqeeya arrimaha.

Bartamaha Nigeria waxaa si isdaba joog ah ugu soo noqnoqday isku dhacyo u dhexeeya xoolo-dhaqato u badan Muslimiin iyo beeraley u badan Masiixiyiin, kuwaasoo ku loollamaya helitaanka biyo iyo daaq.

Dhanka kale, woqooyi-galbeed ee dalka, kooxo hubeysan ayaa si joogto ah u weerara tuulooyinka, iyagoo dadka deegaanka u afduubta si ay madax furasho uga qaataan.

“Kooxaha fallaagada ah sida Boko Haram iyo Daacishta Galbeedka Afrika waxay inta badan ololahooda ku muujiyaan inay ka soo horjeedaan Masiixiyiinta, laakiin ficil ahaan rabshadahoodu waa kuwo aan loo meel dayin oo burburiya bulshooyin dhan,” ayuu yiri Ladd Serwat, oo ah falanqeeye sare oo dhanka Afrika ah oo ka tirsan kooxda fadhigeedu yahay Mareykanka ee la socodka xasaradaha ee ACLED.

“Rabshadaha Islaamiyiinta waa qayb ka mid ah dhaqdhaqaaqyada iska horimaadyada ee isku murugsan, inta badanna isku dhex jira ee dalka ka taagan, kuwaasoo ku saabsan loollanka awoodda siyaasadeed, khilaafaadka dhulka, isirka, kooxaha dariiqooyinka, iyo falalka burcadnimada,” ayuu yiri.

Cilmi-baaris ay samaysay ACLED ayaa muujinaysa in 1,923 weerar oo sanadkan gudihiisa lagu qaaday dad rayid ah gudaha Nigeria, ay tirada kuwa Masiixiyiinta lagu beegsaday diintooda awgeed ay gaaraysay 50. Serwat wuxuu sheegay in sheegashooyin dhowaanahan ka dhex wareegayay qaar ka mid ah kooxaha garabka midig ee Mareykanka, oo sheegayay in ilaa 100,000 oo Masiixiyiin ah lagu dilay Nigeria tan iyo 2009-kii, aysan taageereyn xogaha la hayo.

Nigeria oo diidday eedeymaha dulqaad la’aan diimeed

Hanjabaadda Trump ee tallaabada milatari ayaa timid maalin kadib markii uu maamulkiisu Nigeria dib ugu daray liiska “Waddamada sida Gaarka ah looga walaacsan yahay ” (Countries of Particular Concern) oo ah dalal uu Mareykanku sheegay inay ku xadgudbeen xorriyaadka diimaha. Dalalka kale ee liiskaas ku jira waxaa ka mid ah China, Myanmar, North Korea, Russia iyo Pakistan.

Tinubu, oo ah Muslim ka soo jeeda koonfurta Nigeria balse qaba haweeney wadaadad Masiixi ah, ayaa maalintii Sabtida iska fogeeyay eedeymaha dulqaad la’aanta diimeed, wuxuuna difaacay dadaallada dalkiisa ee lagu ilaalinayo xorriyadda diinta.

Marka uu samaynayo magacaabista muhiimka ah ee dowladda iyo ciidanka, Tinubu, si la mid ah kuwii ka horreeyay, wuxuu raadiyay inuu abuuro isku-dheelitirnaan si loo xaqiijiyo in Muslimiinta iyo Masiixiyiinta si siman loo matalo. Toddobaadkii hore, Tinubu wuxuu beddelay hoggaanka millatariga dalka, wuxuuna qof Masiixi ah u magacaabay taliyaha cusub ee difaaca.

Caasimadda Abuja, qaar ka mid ah Masiixiyiintii u socday cibaadada Axadda ayaa sheegay inay soo dhaweyn lahaayeen faragelin milatari oo Mareykanku ku sameeyo si loo ilaaliyo bulshadooda.

“Waxaan qabaa in haddii Donald Trump uu yiri way soo gelayaan, ay tahay inay soo galaan, wax dhib ahna kuma jiraan arrintaas,” ayay tiri Juliet Sur oo ah haweeney ganacsato ah.

Khabiirro dhanka amniga ah ayaa sheegay in duqeymo kasta oo cirka ah oo uu Mareykanku qaado ay u badan tahay inay beegsan doonaan kooxo yaryar oo ku kala firdhisan dhul aad u ballaaran. Waa hawl ay sii adkeyn karto ka bixitaankii ciidamada Mareykanka ee sanadkii hore ee dalka Niger, oo xad ka la wadaaga Nigeria dhanka woqooyi.

Kooxaha dagaallamayaasha ah ayaa isaga kala goosha dalalka deriska la ah ee Cameroon, Chad iyo Niger. Khabiirrada ayaa intaas ku daray in Mareykanku laga yaabo inuu u baahdo caawimaad ka timaadda millatariga iyo dowladda Nigeria, oo ah kuwa uu Trump ugu hanjabay inuu gargaarka ka jari doono.

- Advertisement -

Read more

Local News