Nin 12 sano ka tirsanaa AL-SHABAAB oo lagu soo bandhigay Garbahaarey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Gedo, gaar ahaan kuwa Nabad Sugida ayaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi ku soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab kaasoo isku soo dhiibay ciidamada Xooga dalka.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdicasiis Maxamuud Diiriye ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 12 sano ah, isaga oo ka qayb qaatay dagaallo dhowr ah, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gudaha magaalada Garbahaarey.

“Cabdicasiis ayaa ka soo goostay kooxda Alshabaab, kadib markii uu u adkeysan waayey xaalada ay ku suganyihiin” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaalada Wararka Sonna.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sidoo kale xusay inay si wanaagsan usoo dhaweeyeen, waxayna farriin u direen xubnaha kale ee weli ku jira Al-Shabaab

Sidoo kale ninkan oo hadal kooban siiyey warbaahinta ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyarada markii hore la marin-habaabiyey ee ku biiray Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu haatan ku baraarugay fikirka gurracan ee kooxda, isla-markaana uu garowsaday inuu isaga soo baxo, isaga oo u mahadceliyey dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa soo kordhayey xubnaha isa soo dhiibayey ee ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay xoogeystaan howlgallada ay wadaan ciidanka huwanta.